Somali News

Update: Uhuru kenyatta ugu dambeyn muqdisho wuu soo gaaray isagoona sheegay in….

Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iminka ka soo degay garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde magaalada Muqisho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uliyin ka tirsan dowladda.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana uu u yimid ka qeyb galka xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Madaxweynaha Kenya ayaa loo gudbiyay halka ay ku suganyihiin wafuudda heerka caalami ee lagu casuumay xafladda caleemo saarka.

Sidoo kale waxaa xarunta ku sugan wafuud ka socoto Dalalka Sudan, Kuwait, Masar iyo kuwa kale ay iminku ku suganyihiin hoolka xafladda caleemo saarka

Related posts

Dhagayso;- Shirkii Maamul u samaynta Hiraan & Sh Dhexe oo Maanta Jowhar ka furmaya

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Muuse Biixi oo hadda ku dhawaaqay golaha wasiirada maamulka soomaliland

admin

TOP NEWS: Madaxweyne Obama oo inta uusan Xilka ka tagin ka Farxiyay Soomalida ku Nool Dalka Mareykanka .. Tollow muxuu sameeyay???

Tifaftiraha K24