Somali News Top News

TOPNEWS: Dhageyso Jawaari” Waan Joojinay Safarada Dibadda ee Xildhibaanada Baarlamanka Maxaa Yeelaay Qarash uma Heyno”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Max’ed Sh.Cismaan Jawaari ayaa maanta ku dhawaaqay in Guddoonka sare ee Baarlamaanka uu joojiyay dhamaan Safaradda ay Xildhibaannada ku aadi lahaayeen Dalka Dibaddiisa, marka laga reebo Xildhibaannada Xubnaha ka ah Baarlamaannada Caalamiga ah.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in aysan u heynin Dhaqaale ay ku safraan Xildhibaannada,waxaana uu intaa ku daray in uusan jirin Xildhibaan dalka dibadda uga bixi kara.

Sidoo kale Xildhibaannada ku maqan Dalka Dibaddiisa ayuu ka dalbaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan Dlaka ugu soo laabtaan.

“Laga billaabo maanta waxaan joojinnay Safarrada ay Xildhibaannada ku aadayeen Dibadda,waxaana u joojinnay in aan loo heyn dhaqaale” ayuu yiri Guddoomiye Jawaari oo shir guddoominayay kulankii Baarlamaanka ee Maanta.

Xildhibaannada aan qaadanin Amarka uu soo saaray ayuu sheegay in ay  ka qaadayaan Tallaabo cad oo uu ku sheegay in ay ka duwan tahay Tallaabooyinka laga qaadi jiray XIldhibaannada gala qaladaadka ka dhanka ah Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

Related posts

Musharax Khaliif Akshir oo la kulmay dhalinta Cabudwaaq.

admin

INTERNATIONAL COMMUNITY WELCOMES THE PROGRESS MADE IN CLARIFYING THE ELECTORAL MODEL

Tifaftiraha K24

XOG: Masuuliyiinta Maamul Goboleedyada Dalka ka jira oo Muqdisho ku soo wajahan iyo Arinta Maqaamka Sarre ee Muqdisho oo Meel Xasaasi ah Mareysa…

Tifaftiraha K24