Somali News

TOP NEWS: Waxbadan ka ogow Qodobada looga hadlay Kulan Xasaasi ah oo Xalay Muqdisho ku dhexmaray Danjire Keating iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Wakiilka QM u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire  Michael keating ayaa Xalay Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka.

Kulanka oo ay Albaabadu u xirnaayeen ayaa la sheegay in Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka iyo Danjire Michael keating ay ka wada hadleen Arrimo ay ka mid yihiin 11-ka Kursi ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka uu laalay iyo Qeylo dhaanta kale ee weli ka soo yeereysa Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Beelaha intaba.

Weli lama oga Natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday Kulanka Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Wakiilka QM u qaablisan Soomaaliya ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Guddiga Xalinta Khilaafaadk ayaa Dhawaan waxa uu soo saaray Wareegto lagu laalaayo 11 Kursi oo laga soo doortay Afar Maamul goboleed Hayeeshee waxaa Arintaasi ka horyimid dhamaan Maamul goboleedyadii Kuraasta Lagu celiyay.

Related posts

Wasiir Cawad oo  beeniyey warqad la sheegay in uu Puntland ugu faa’iideeyey. 

admin

Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida Ee Cusub Xog Cusub.

admin

Galmudug oo shir degdeg ah isugu yeeray Maamul Goboleedyada

admin