Somali News

TOP NEWS: Wasiirka Waxbarashada oo Amar ku Bixiyay in Ardayda Imtixaanka Mideysan Gashay in Shahaadoyinkooda lagu siiyo Mudo dhan….

C/Qaadir Cabdi Xaashi,Wasiirka Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in muddo afar cisho gudahood ah lagu bixiyo Shahaadooyinka Dugsiga sare ee Imtixaankii ay qaadday Dowladda Soomaaliya.

Wasiirku waxaa uu sheegay in Ardeyda ka gudbay Imtixaanka ay u baahan yihiin in ay ku raadsadaan Jaamacado sidaa darteedna loo baahan yahay in ay ku helaan sida ugu dhaqsiyaha badan ,si ay danahooda ugu dhameystaan.

Dhanka kale Wasiir C/Qaadir,waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada ay isku afgarteen in ardeyda Baladweyne loo qiimeeyo Imtixaanka kadib markii Xilligii Imtixaanka ay Baladweyne ka dhaceen fatahaado iyo Dagaallo sokeeye,sidaa darteedna,waxaa uu sheegay Wasiirka in lagu qiimeeyo Imtixaankii ugu dambeeyay ee ay galeen.

Waxaana uu ku sheegay in ay tahay arrin farsamo oo ay wasaaraddu xal u aragtay,sidaasna iyana ku helayaan Shahaadooyinka Dugsiga sare ee Imtixaankii ay qaadday Dowladda Soomaaliya.

Related posts

Shilgaari oo ka dhacay degaan hoostaga Maxaas iyo Saraakiil ku dhaawacantay

admin

Daawo: Magaalada Kismaayo oo looga dhawaaqay Golaha Mideynta Umadda Soomaaliyeed

admin

Daawo so dhaweynta Madaxweyne ku xigeenka galmudug ee Birmingham

admin