Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Raisul Wasaare Sharmaarke oo Guddi Baaris u Magacaabay in ay soo baaran Eedeymaha loo jeediyay Hey’adda Nabad Sugida taasi oo la xiriirta in Caruurta ay Basaas u adeegsato+Magacyada Magacyada Wasiirada ku jira Gudigan

Muqdisho, May 8, 2016—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedo loo jeediyay hay’addaha amniga dalka.

Guddigan oo ah guddi heer wasiir ah ayaa ka kooban 4 xubnood oo kala ah.

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
3. Wasiira Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed
4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac

Guddigan ayaa soo baari doona wararka la xiriira adeegsiga dhalinyaro yar yar oo ka soo baxsaday kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab oo hay’addaha anmnigu u adeegsaeen inay u Basaasaan xogna uga keenaan Al shabaabka, sida lagu daabacay wargeysyada qaar.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxa ay cafis u fidisay dhalinyarada la qalday ee ka soo baxsada kooxaha nabadda diidan ee Al shabaab oo u adeegsada caruurta falal qaribaad ah, naftoodana lagu haligo, waxa ayna taakuleyn siisay dhalinyaro badan oo ka soo baxsaday Al shabaabka kadib markii ay garowsadeen in dhaqamada kooxdani uu yahay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka, Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

—-DHAMAAD—

Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Halkaan Hoose ka Dhageyso Warbixinta

Related posts

Dowlada Somalia oo beenisay hadalkii ka soo yeeray Wasiirada Arimaha Dibada Kenya

admin

Dhagayso:- Top News Dowladda Xasan Sheekh oo lunsatay Lacago Maalayin Dollar ah

Tifaftiraha K24

Dhageyso: mid kamid ah ragii isku qarxiyey Xarunta Baarlamanka oo itaanu isqarxin ka hor fariin Cod ah iska duubey

admin