Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
English News Somali News Top News

Kismaayo:- Puntland iyo Jubbaland maxa shalay kala qabsaday + Sawiro iyo Vidoe

Waxaa Shalay Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose ka dhacdey Ciyaar ay so qaban qabisay Wasarada dhalinyarada iyo sportiga jubbaland oo dhex martay Nadi ka socda kismaayo iyo mid ka socda puntland.

Ciyaartaasi ayaa waxaa ay aheyd mid aad xiiso u laheyd waxaana ay labadda kooxoodba soo bandhigeen ciyaaro aad u xiiso iyo xamaasadba laheyd, ugu danbeyn ay guusha raacdey kooxdii ka socotey Puntland malmaha soo socda ayaa isla koxda  Galkacyo waxaay Ciyaaro kale la yeelan doonan  3 koxod oo kale oo isla kismaayo ka dhisan

Sidoo kale Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee maamulka jubbaland ayaa waxaa ay  kismaayo kenaysa koox ka socota Degmadda Baardheere ee Gobalka Gedo oo iyaduna la filayo in ay la ciyaarto Kismaayo.

Dhanka kale Wasiirka dhalinyarada iyo isbortiga jubbaland Maxamed Maxamud Yusuf Aw-Libaax oo ka hadlay Ciyaarahaan iyo Ujeedka ay Wasaaradisa ka leedahay  ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay isdhexgalka dhalinyarada Somaliyeed  ee mudada badan kala qob qobnaa.

Wasiirka ayaa waxaa uu sido kale  sheegay in Wasaaradiisu ay dajisay  qorsheyaal cad cad oo lagu hormarinayo dhalinyarada jubbaland  kuwaas oo ay ugu muhiim san yihiin 4 qodob oo kala ah

1 In dhalimyarada laga wacyigaliyo fikradaha xagjirnimada ah  iyo waliba qabyaalada iyo Muqaadarad kala duwan.

2 In  dhalinyarada la baro Xirfado shaqo oo ay ku shaqaystan sido  Makanikada, Kalumaysiga, Beeraha, Korontada iyo Xirfadaha computerka.

3 In dhalinyarada wax la baray  lo abuuro  shaqo  ay ka soo saartan nolol maalmeedkooda

4 Dhirigalinta Isbortiga ayado wasaarada ay  dayactir ku sameyn doonto Garoomadi ku yaalay Magaalaoyinka waaweyn ee Jubbaland sida  Kismaayo, Baardheere, Afmadow iyo Luuq waxaana uu intaasi ku daray in wasaradiisa ay hada ku guda jirto sidii ay u marti galin lahayd  Koobka Gobolada Somalia  ee kisi[ ugu danbeyay uu garoowe ka dhacay,

Sido kale  Wasiirka  ayaa u mahad celiyay UN ka oo qayb ka qatay dhaqalihi ku baxay Ciyarahan oo la filayo in ay noqdaan kuwo intaan aad uga balaaran maadama qorshaha kowaad ee Wasaaradu uu yahay sidii ay is dhex gal ugu sameyn laheyd dhalinyaradda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan kuwa Jubbaland.

 

 

HALKAN KA DAAWO CIYAARTI  KOOX KA SOCOTA KISMAAYO IYO KOOX KA SOCOTA GALKACYO DHEX MARTAY

 

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Daawo so dhaweyntii   kooxda Galkacyo markii ay so gartay Galkacyo

 

 

Related posts

Shirkii Ka Hortaga ka Ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya Oo Maanta La Soo Xirayo.

Ahmed sudani

Daawo: Maxaadan ogeyn oo looga hadlay kulan xasaasi ah oo baydhabo ku dhexmaray shariif xasan iyo general koofi?

Tifaftiraha K24

Shariif Xasan Oo Khatar Ku Jira AKHRISO

admin