Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Top News

Top News Maxaa Kasocda Saaka Magaalada Kismaayo

Ciidamada maamulka Jubbaland ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku jira diyaargarow muuqda,waxaana lugu arkay magaalada saldhiga ah ee Kismaayo ciidamo dheerad ah.

Heegan kani cusub,waxaa looga dan-leeyahay diyaar garow loogu jiro in xilli lama filaan ah ay waajahaan ciidamadu mid kamid ah magaalooyinka ay shabaabku gacanta ku hayaan balse ay ka gaabsadeen midda ay tahay,sida Raxanreeba ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan militeriga Jubbaland.

Meelo kale oo ka baxsan,magaalada Kismaayo ayaa lugu arkay ciidamo ka tirsan militeriga Jubbaland oo loo diyaarinayo howlgallada cusub,waxaana ka mid ah magaalada Afmadow oo gobolka ka tirsan.

Madaxweynaha Jubbaland,Sheekh Axmed Madoobe ayaa Sabtidii sheegay inuu billaabanayo howlgal magaciisu-yahay “Wabiga Jubba” oo la doonayo ururka al-Shabaab in looga saaro gobolka oo dhan.

Ciidamo ka socda Itoobiya ayaa qayb ka noqonaya markii ugu horreysay howlgallada lugula dagaallamayo al-Shabaab ee ka fulaya gobollada Jubbooyinka,kaddib markii maalmo ka hor ay ciidamadu gaaren magaalada Kismaayo.

Ururka al-Shabaab waxuu gacanta ku haya muddo dheer magaalada caasimada u ah maamulka Jubbaland ee Bu’aalle,waxaana la fahan-sanyahay dagaallada ugu xooggan ee ciidamada xulafadda ah iyo al-Shabaab inuu halka ka dhici karo,maaddama magaaladu ay tahay muhiim.

Related posts

Dhagayso:- Gudoomiyaha Barlamaanka Jubbaland ” Xamar intaan kusugnaa Wayaabo Badan ayaa nagu qabsoomay”

Tifaftiraha K24

Video+Sawiro:- Wasiirka Shaqada Ithopia oo Soomaalida Switzerland ku nool arimo Muhiim ah u sheegay!

admin

World Bank oo mashaariic horumarineed u ballan qaaday gobalka Banaadir

admin