Somali News Top News

TOP NEWS: Dhageyso Madaxweynaha Galmudug oo Fariin Culus u diray Maleeshiyadka Isbaarooyinka dhigta Deegaanada Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Mudane Cabdi Kariim Xuseen Guulled ayaa ka hadlay Howlgaladii Ciidamada Galmudug ay kula dagaalamayeen Kooxaha Jidgooyada Dhigta Qeybo ka mid ah Galmudug ayaa waxa uu sheegay in Dowlada Galmudug Marnaba aysan Aqbali doonin in Isbaaro la dhigo Deegaanada Galmudug taasi oo dadka Shacabka ah lagu dhibaateynaayo.

Madaxweyne Guulled waxaa uu xusay in Beelaha dagan Galmudug ay kala hadleen Maleeshiyaadka Isbaarada dhigta isagoona xusay in Beelaha ay Saxiixeen Heshiis ku aadan in Qofkii Isbaaro u taalo oo Ciidamada ay dileen aan Dhiigiisa Cidna loo Raacan doonin .

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday Dhalinyarada Isbaarada dhigan jiray ee garwaaqsaday in ay arintaasi xuntahay oo ay ka waantoobaan in aysan Dayacmi doonin oo Galmudug ay Garab Hiil iyo Hoo ay la garab taagantahay .

Maleeshiyaadka Isbaarada dhigta ee ka waantooba Xumaantaasi waxa ay heli doonaan dhaqan celin iyagoona ka mid noqon doona Ciidamada Galmudug.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Madaxweyne Guulled

Related posts

DAAWO: Turkey oo hub Casri ah ugu deeqay Soomaaliya & Tayada hubkan oo dalal badan ka yaabiyay

admin

Faallo: Damaca Musharixiinta,Dhagax adkeynta Amniga iyo Dareenka Shacabka ma isku mid baa?.

admin

Top News: Shirkii Cadaado oo lagu kala kacay mar kale (Ergadiina Amaankiina ilaashadda ayaa lagu yiri).

admin