Somali News Top News

TOP NEWS: Guddiga doorashada madaxweynaha galmudug oo ku dhawaaqay xiliga ay dhaceyso doorashada

Guddiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhawaan ay Magacaabeen Baarlamaanka Maamulkaas ayaa ku dhawaaqay Xiliga Rasmiga ah ee la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Guddiga ayaa sheegay in 19-ka Bishaan aan ku jirno la qabanayo Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xildhibaan Maxmed Saciid Xasan Geelle ayaa sheegay in Guddiga Doorashada Galmudug ay Mudo kordhin ku sameeyeen Qabashada Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo laga dhigay 19-ka Bishaan,waxaana uu ugu inta daneeyneysa Doorashada Galmudug in ay Xushmeeyaan Doorashada Galmudug iyo Xiliga loo qabtay.

Waxaa uu intaa ku daray Xildhibaan Geelle in Sababta keentay in 19-ka Bishaan la qabto ay tahay in Fursad la siiyo Musharaxiinta, islamarkaana ay Tixgelinayaan Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya.

Related posts

Dalka Kenya oo laga heley Qof uu Asiibay Cudurka Ebola.

admin

DEG DEG: C/raxmaan Cabdi shakuur oo diiday in uu maxkamadda tago iyo go’aanka ay maxkamadda qaadatay

admin

Daawo sawiro:-Sidda Garoowe Loogu soo Dhaweyay Faroole

admin