Arimaha Bulshada Breaking News English News Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

Top News :- Galmudug oo Jubbaland ugu hambaliyaysay gusha ay ka gartay dib u heshisinta Beelaha +Sawiro

 

 

Dowlada Goboleedka Galmudug State of Somalia ayaa si weyn u so dhawaysay Heshiiski Taarikhiga ahaa ee  dhexmaray Maamulka Jubbaland iyo Beesha Sade kaas oo shalay Xaflad lagu soo bandhigayay ay ka dhacday Kismaayo.

 

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug State of Somalia Mudane Cali Dahiir Ciid ayaa Hambaliyo u diray Madaxdi isku howshay  in ay so Afjaraan  Khilaafki u dhexeyay beesha Sade iyo Maamulka Jubbaland.

 

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka Galmudug State of Somalia Mudane Cali Dahiir Ciid oo arinkaasi ka hadlaya ayaa waxaa u yiri.

 

” Anigo ku hadlaya Magacayga kan  Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug State of Somalia  waxaan halkan ka soo dhaweynayaa Heshiiski Taarikhiga ahaa  ee ay wada gaareen Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Beel ka mid ah Beelaha Deeganka Jubbaland.

 

Waxaan sido kale si gaar ah u bogaadinaynaa   Madaxdii isku howshay in shirarki Nabada Jubbaland ay ka mira dhaliyaan  kuwaas oo aan ka xusi karo Wasiirka Gaashandhiga Somalia  Gen Cabdiqadir Sh Cali Diini iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islam.

cali888

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa u yiri Dowlada Galmudug State of Somalia waxay shacabka Jubbaland u rajaynaysa Nabad iyo Hormar iyo in markasta ay khilaafkooda ku xaliyaan miska wada xajoodka.

 

Galmudug State of Somalia  ayaa noqonaya Dowlad goboleedki ugu horeyay ee ka hadlay  heshiiski taarikhiga ahaa ee ay wada Gaareen  Maamulka Jubbaland iyo Beesha Sade marka laga reebo Qaramada Midobay oo  maalinti shalay ahayd soo saartay war ay ku taageerayso Heshiiska ayado dhanka kale aan wali war laga hayn Dowlada Fadaralka Somalia.

 

 

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha Maamulka Puntland mudane Deni oo codsi u gudbiyey Guddiga

admin

Wasiiro ka socda maamul goboleed-yada iyo dowladda federaalka oo itoobiya shir uga furmay

admin

Hay’ada Somali Relief Trust Oo Maanta Deeq Mucaawino ah Gaarsiisay 80 Qoys Oo Ku Nool Magaalada Caabudwaaq

cabudwaaq

3 comments

Comments are closed.