Somali News

TOP NEWS: Faarax C/qaadir oo si Lama Filaan ah uga Mid Noqday Musharixiinta ugu Cad cad Guddoonka Sare ee Baarlamaanka

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah Musharaxiinta loolanka adag ugu jira Guddoonka Baarlamaanka ayaa la sheegayaa inuu ugu cad cad yahay xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa gaaraya Lix Musharax oo ay ku jirto Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana tartanka loo geli doono xilkan u yahay mid adag.

Doorashada ayaa lagu wadaa inay dhacdo 12 bishan, waxaana isha lagu hayaa musharaxiinta ku loolamaya xilkan oo ku guda jira dadaalo iyo olole aad u xoogan.

Faarax Sheekh waxaa uu siyaasadda ku soo biiray 2012-kii, xilligaasoo  uu noqday xubin baarlamaan, kadibna xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadihii u dambeeyay.

Ka hor inta aanu syaasadda soo galin, Xildhibaan Faarax waxa uu ka soo shaqeeyay hay’adihii sama falka ee dalka ka soo howlgalay, kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa uu madax ka ahaa Wakaalada Muslimiinta Afrika oo Soomaaliya ka hirgalisay xarumo lagu xanaaneeyo da’yarta agoonta ah, iskuulo iyo Xarumo quudin.

Waxaa uu ka mid ahaa aas aasayaasha Machadkii SIMAD oo markii dambe Jaamacad loo bedelay.

Faarax waxaa si dhaw uu saaxiibo ula yahay Xasan Shiikh iyadoona loo xagliyo in Xasan garabkiisa midig uu yahay.

Xasan shiikh ayaana Dadaal xoogan ugu jira sidii sxbkiis Faarax C/qaadir uga soo muuqan lahaa Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaliya.

Related posts

DEG DEG: Wafdi Sare oo Amisom iyo Dowlada Federaalka ka socda oo Goordhaw gaaray Magaalda Cadaado Maxay tahay Ujeedkooda??+Sawirro

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Dhageyso Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo Jawaab Kulul ka Bixiyay Wejiga Labaad ee Shirka Jowar oo Madaxweynaha uu Shalay Furay

Tifaftiraha K24

Sawiro: Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida oo xukun dil ah ku ridey dad ay Shacabka Soomaaliyed xukunkooda sugayeen kuwaaso……………

admin