Somali News

TOP NEWS: Dowlada Mareykanka oo War aan caadi aheyn ka soo saartay Duqeyn ay dhawaan ka geesatay Jubbada Dhexe yaase lala beegsaday???

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn Isniintii lasoo dhaafay ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe, waxaana duqeyntaasi Mareykanka uu sheegay in sarkaal sare lagu dilay.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeynta ka dhacday meel ku dhow degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe.

John Kirby, xoghayaha difaaca Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadooda ay beegsadeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo ku sugnaa gobolka Jubbada Dhexe.

” Waxaan Beegsanay Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab , howlgalkaasi waxaa fuliyay diyaaradaheena dagaalka , laakiin ma xaqiijin karo in uu jiro khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.” ayuu yiri John Kirby.

Sidoo kale Mr Kirby, ayaa sheegay in howlgalkaasi ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ma uusan sheegin magacyada saraakiisha Al-shabaab ka tirsan ee lagu dilay duqeyntaasi, laakiin wuxuu sheegay in todobaadyada soo socdo ay shaacin doonaan.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeyno kala duwan ka geystay gudaha dalka Soomaaliya.

Related posts

Dhagayso:- Wasaarada Amniga Dowladda Faderaalka oo Shacabka Somaliyeed Fariimo amni u diray

Tifaftiraha K24

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Maanta kusoo baxay Doorashadii Kismaayo ka dhacday+Sawirro

Tifaftiraha K24

DEG DEG: Daawo K24 oo heshay Sawirro Hordhac ah oo laga soo qaaday Laba Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde

Tifaftiraha K24