Somali News Top News

TOP NEWS: Dowlada Kenya oo warkale oo Muhiim ah ka sheegtay Xeritaanka Xeryaha Qaxiitiga Dalkeeda

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aan si qasab dalka Soomaaliya dib loogu celin doonin, qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee Dalka Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Joseph Nkaisserr ayaa hadlkan ka sheegay shir Jaraa’id oo maanta Xerada Qaxootiga Dhadhaab, ay si wada jir ah ugu qabteen isaga iyo Madaxeynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud oo maanta booqasho taariikhi ah ku tagay Xeradaasi.

Mr Joseph Nkaisserr ayaa tilmaamay in ciddii go’aansato in Soomaaliya ay dib ugu laabato ay Kenya ka caawin doonto, fududeynta dib u laabashadeeda, balse aan qofna la qasbi doonin.

Xerada Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa Hooy u ah 300,000 oo Qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwaas oo Soomaaliya ka Cararay Sanadkii 1991, markaas oo dagaal Sokeeye uu ka qarxay Dalkooda Hooyo.

Related posts

Sawirro: Weerar loo adeegsay gaari oo lagu qaaday masaajid lagu tukunaayay salaada taraawiixda oo ku yaala magaalada…

Tifaftiraha K24

Warbixin ku saabsan Musuq maasuqa oo la soosaaray Soomaaliya xagee ayay kaga jirta?

admin

DEG DEG: Ganacsade Xildhibaan Caddow Cali Gees oo kusoo Baxay Kursiga Beesha Waceysle Marooyin Kadib Markii uu ka guuleystay Musharax…….

Tifaftiraha K24