Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xidig ayaa waxa uu sheegay in dalka aysan shaqo la’aan ka jirin laakiin qaabka shaqooyinka loo maareeyo uu qalad badan ka jiro.
Waxa uu ku eedeeyay dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha in shaqooyinka jira aan la siin dhalinyarada wax ku bartay dalka.
Wasiir Xidig waxaa uu Intaasi ku daray in Dowlada looga fadhiyo in Xil weyn ay iska Saarto sidii ay u bad baadin laheyd Mutaqbalka iyo Ubaxa dalka Soomalaiya ee badaha ku dhamaanaya.
Dhawaan ayey aheyd Markii Doon ay ku dagtay Bada u Dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga waxaana doontaasi ku dhintay dad u badan Dhalinyaro Soomaaliyeed .
Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka