Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News

TOP NEWS: Dhageyso Madaxweyne Xasan Shiikh oo Baaq aan Caadi aheyn u diray Alshabaab iyo…..

Madaxweynaha dowladda federalka Xasan Hheekh Max’uud oo xalay ka halayay xaalada guud ee dalka,  ayaa soo hadal qaaday qorshihii lagu doonayay isku dhafka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,  Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Dowladdiisu ay wado dadaalka loogu jiro isku dhafka ciidmaada xoogga dalka soomaaliyeed, inkasto ay jiraan  uu yiri caqabado, ka hor yimid qorshahaasi, balse waxa uu uu ka muujiyay madaxweynuhu yididiilo, madama buu yiri qorshahaasi ay ka soo baxeen guulo wax ku ool ah, oo dalka ka hanaqaaday.

 
Dhinaca kale waxa uu shegay madaxweyne xasan sheekh in, howlgalada ay sida wadajirka u samenayaan, ciidmada kala duwan ee amniga dalka, iyo kuwa nabad ilaalinta u jooga soomaliya, ay guulo ka soo hoyeen, dagaalka ay kula jireen alshabab, isago tusaale u soo qatay, duqeymihii, Mareykanka uu ku bur buriyay saldhigyo Al-shabab ay kula hayeen qeybo ka mid ah dalka, kaas oo lagu dilay  hogamiyaaal, iyo dagaal yahano ka tirsan Xarakada aAl-shabaab.

 

Ugu danbeytii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federala Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa baaq u diray, xarakada alshabab oo waxa uu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka iyo qaraxyada ay dalka ku qal qalinayaa.

 

“Xubnaha Shabaab ka tirsan madax iyo Maleeshiyaad waxaan mar kale u jeedinayaa baaq gaar ah, waxaan ugu baaqayaa inay ka waantoobaan naftiin halignimada, inay ka waantoobaan inay dilaan naf aanan waxba galabsan inay waalidkood iyo walaalahood ay ka joojiyaan qarxinta argagaxa wadata, inay ka waantoobaan inay caruurta Somaliyed agoonteeyaan ama ay rajo ka dhigaan, waxaan ku baaqayaa inay ka soo talaabaan dhanka ay ku jiraan oo ay u yimaadaan Dowladda si gacan looga siiyo inay nolol caadi ah ku noolaadaan.”Ayuu yiri Madaxweynaha oo Warbaahinta Dowladda la hadlay

Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa waxa uu tilmaamay Shabaabka inay iska ilaawaan fekerka uu ku tilmaamay inuu yahay mid takfiiri ah oo loo soo abaabulay in lagu laayo shacabka Somaliyed.

“Waxaan leeyahay Iyagoo ka tanaasulaayo mabaadiida takfiirigi ah ee loo soo abaabulay in lagu laayo Umadda Somaliyed.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Related posts

Daawo: Musharax Farmaajo iyo Guddoomiye Jawaari oo Xalay Muqdisho ku yeeshay Kulan Shaki badan galiyay Xasan Shiikh Kadib Markii la…..

Tifaftiraha K24

DEGDEG: Axmed Madoobe oo ku guuleystay Doorashada Maamulka Jubbaland.

admin

XOG: Alshabaab oo la sheegay in ay Rasaas ku Fureen dad ku sugnaa Goob Dhuxasha laga raro oo ku taala deegaanka Buurgaabo ee Jubbada Hoose iyo qasaaro ka dhashay

admin