Somali News

TOP NEWS: Dhageyso Laamaha Ammaanka Mudug ee Puntland oo ku Fashilmay in ay ka hortagaan Dilalka Qorsheysan Xili Habeenki xalay Galkacyo lagu dilay masuul Sarre oo Puntland ka tirsan

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay Magaalada Galkacyo loogu geystay Isku duwihii  Wasaaradda Qarsheynta iyo xariirka Caalamiga ah ee Puntland Marxuun C/llaahi Maxamed Faarax.

Dilka Marxuumka ayaa wxaa uu dhacay xili lagu iray Salaadii taraawiixda Magaalada Galkacyo waxaana dilka geystay dabley Bastoolado ku hubeysan.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay in goobta ay ka baxsadeen waxaana durbadiiba soo gaaray ciidamada Amaanka oo isku dayay in ay soo qabtaan balse ku fashilmay in xetaa ay xogtooda keenaan.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in dilka Isku duwaha Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Puntland ay geysteen Laba Ruux oo Bastoolado wato ayna baxsadeen basle hada ay ku raad joogaan Ciidamada Ammaanka.

Inta lagu guda jiro Bishaan Ramadaan ayaa Dilka Isku duwaha waxaa uu noqonayaa Mas’uulkii Labaad ee Puntland ka tirsan oo Waqooyiga Gaalkacyo lagu dilo,iyadoo Gudoomiyihii Ururka Haweenka gobolka Mudug Dhudi Yuusuf lagu dilay Xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Gobolka Mudug ayaana ku Fashilmay in uu ka hortago  dilalka qorsheysan ee Galkacyo ku soo kordhay gaar ahaan qeybta ay Puntland maamusho Dhanka Galmudug Amnigeeda wuu ka wanagsanyahay Dhinaca kale ee Puntland ay Maamusho waxaana taasi ay muujineysa Habac sanaanta ka muuqata Laamaha Ammaanka Maamulka Puntland gaar ahaan taliska Puntland ee Gobolka Mudug.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Related posts

Xasaasi Dhageyso: Hey’adda NISA oo Jawaab aan Caadi aheyn u dirtay Cumar C/rashiid oo Maanta Hadalo kulul ay kasoo yeereen

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Garaadka Beesha Tanaade Darood Leelkase Garaad Cali Aadan oo qardho Gaaray

admin

SOMALI LEADERS LED BY PRIME MINISTER SHARMARKE AND INTERNATIONAL PARTNERS ATTEND CRISIS TALKS ON A CEASEFIRE IN GAALKACYO AND AGREE A WAY FORWARD TO RESOLVE THE CONFLICT

Tifaftiraha K24