Somali News

TOP NEWS: Dhageyso Kooxo Hubeysan oo Maanta Dad ku dilay Dagmada Xamar Jajab oo Gacanta lagu soo dhigay iyagoo wa…..

Kooxo Hubeysan oo Saakay Fal dil ah ka geystay Dagmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu sheegay in Ragaasi gacanta lagu soo dhigay.

Kooxahan ayaa dilay laba qof oo shacab ah kuwaasi oo saarnaay Mooto Bajaaj ah waxaana rasaas la dhacay kooxo hubeysan oo iyagana watay Mooto kale .

Cabdi Fitaax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Ammanka ay gacanta ku soo dhigeen laba Ruux oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen Dil Saakay Dad Shacab ah loogu geystay Dagmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Xalane waxaa uu xusay in Raga la qabtay ay Hada gacanta ugu jiraan Hey’addaha Amaanka islamarkaana Baaris lagu wado .

Magaalada Muqdisho waxaa joogta ka noqday Falalka dilka ah waxaana laamaha Ammaanka ay marwaliba sheegen in Amniga ay Xaqiijiyeen Falalkuna ay marba marka ka dambeysa ay sii kordhaayaan.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka Afhayeenka

Related posts

Dhagayso:- War Cusub oo laga soo saaray Magaalada Muqdisho

Tifaftiraha K24

Akhriso: Magacyada Guddi ka Kooban 9 Xubnood oo Loo Magacaabay Anshaxa iyo la socodka Geeddi Socodka Doorashada Madaxweynaha

Tifaftiraha K24

Daawo Sawirro Dheeraad ah oo aan ka helnay Weerar Xalay lagu qaaday Xarun Ganacsi oo ku taala Magaalada …..

Tifaftiraha K24