Somali News Top News

TOP NEWS: Ciidamda Booliska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed oo Burburiyay Saldhig ay Shabaab ku leeyihiin Deegaan hoostaga Dagmada Diinsoor

Ciidamda Booliska Gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Xalay burburiyay Saldhig deegaanka Misre ee degmada Diinsoor ay ku lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabab, kadib markii ay ciidamada kala wareegeen kooxdii ku sugneyd Saldhiggaasi.

Wasiirka Hub kadhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed, oo u waramay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Booliska Gaarka ay weerar qorsheysan ku qaadeen deegaanka Misre, islamarkaana ay la wareegeen saldhig ay maleeshiyaadka al shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada qorsheysan ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasirka ayaa sheegay in maleeshiyaadka ay isku dayeen in ay iska caabiyaan ciidamada, balse loo awood sheegtay kooxihii ku sugnaa saldhigga, iminkana ay gacanta ku hayaan ciidamada Booliska Gaarka ah ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

“Howlgalku ayaa waxa uu dhacay Habeenimadii Jimcada , qasaare wuu jiraa dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa isagoo faahfaahsan laakin waxaa idin xaqiijinayaa in Ciidamada Booliska Gaarka ah burburiyeen Saldhiggii alshabaab ee deegaanka Misre ee magaalada Diinsoor”ayuu yiri Wasiir Xasan Eelaay.

Booliska Gaarka ee dhawaan loo tababaray dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay waday howlgalo ay Al-shabaab kala wareegayaan deeganada uu ka taliyo maamulkaasi.

Related posts

TOP NEWS: Maxay tahay Sababta Rasmiga ah ee ka dambeysa in la kala diro Xubnihii Maamulka Dagmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan.

Tifaftiraha K24

War-murtiyeedka shirka Golaha Qurbajoogta Soomaaliyeed (GSDIC) 2016+Sawirro

admin

SAWIRRRO: War Laga Soo Saaray Dastuurka Somaliya Sida Uu noqon Doono.

admin