Somali News Top News

TOP NEWS Aw-libaax :- Shirki Kismaayo guul iyo is afgarad ayu ku dhamaaday wajigii labadna Bari…..

Sh Maxamed aw libaax oo ka mid ah siyaasiyiintii beesha sade ee maalmahan u fadhiyay shirarka lagu mideynayay siyaasada besha ee jubbaland ayaa waxa u ka hadlay halka ay marayan dadaaladi ay waden.

 

Siyaasigaan oo u waramayay K24 ayaa waxa uu sheegay i  shir mudo u socday siyaasiyinta beesha u manta ku so dhamaday guul iyo is afgaraad.

 

Sh Maxamed Aw libaax ayaa waxa uu sheegay in ay isla garteen 14 qodob oo saldhig u noqon doona shirweynaha nabada jubbaland ee la filayo in uu bari galinka danbe ka dhaco magaalada kismaayo.

 

 

Siyaasigan ayaa waxa u intaasi ku daray in ay isla garteen in gudi 13 xubnood ah ay wadahadalada uga qayb qatan beesha sade waxana u sheegay in xubnahaas bari subax la magacaabi doono.

 

Ugu danbeyn sh maxamed aw libaax ayaa waxa u rajo badan ka mujiyay in markaan lagu heshii. Doono dhismaha jubbaland aan mucaraad lahayn oo guud ahan sadexda gobol ee jubbaland u horseeda nabad iyo Barwaaqo.

 

Related posts

Dhismaha Xarunta Golaha Shacabka oo lagu dhisaayo lacag dhan $100 Milyan

Ahmed sudani

Akhriso: Magaalada Muqdisho oo Maanta lagu dooran doono kursigii ugu dambeeyay Xubnaha Aqalka Hoose ee ….

Tifaftiraha K24

Daawo Sawiro: Maamulka Jubbaland oo Markii ugu horaysay taariikhda magaalada Kismaayo ku qabtay tartanka dabaasha kaas oo u dhexeeyey dhalinyaro matelaysay shanta xaafadood ee magaalada Kismaayo

admin