Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284 Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /customers/8/7/9/kismaayo24.com/httpd.www/wp-includes/post-template.php on line 284
Somali News Xulashada K24

Top: Maxaa ka cusub Saaka Magaalada Kismaayo Iyo taliye Gaboobe oo Maamulka uu ku kala qeybsanyahay siideyntiisa.

Taliyihii Ciidamada Booliska Magaalada Kismaayo oo mudo isbuuc ka badan ku jira Xabsiga Kismaayo,ayaa waxaa soo baxday in Madaxda Maamulka Jubbaland ay ku kala aragti duwanyihiin habka loo wajahayo Kiiskii dilka ahaa ee ka dhacay Magaalada Kismaayo,kaas oo uu amarka weerarka iska lahaa Taliyaha Ciidamada Booliska Gaboobe Xasan .

Wasiirka Arimaha Bulshada Maamulka Jubbalan Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in loo baahanyahay in gudiga arintaas loo xilsaaray oo Wasiir kuxigeenka Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland uu hogaaminayo aya si deg deg ah banaanka u keenaan cida iska leh eedada dhabta ah ee Kiiskaas,wuxuuna Wasiirku sheegay in dilalka noocaas oo kale ah ay kamid yihiin waxyaabaha ay maamulkoodu doonayaan in ay ka hortagaan ,ayna amareen Saraakiisha Ciidamada iyo waaxaha ku shaqo leh arintaas in shacabka iyo Ciidamadu ay ka waantoobaan in si dhib yar qof loo dilo.

Sida aan wararka saaka ku helay Xariga Taliye Gaboobe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay dhalisay muran badan waxaan soo baxaya warar sheegaya in saraakiisha Ciidamada iyo xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland ay ol ole oogu jiraan Siidaynta Taliyaha,halka Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Maamulka qaarkoda ay aaminsanyihiin in Taliyaha booliska ee hada xidhan loo dilo dadkii ku dhintay weerarkii uu ku qaaday goob dhismo ka socday.

Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Cabdi Janan ayaa sheegay in gudiga loo diray kiiska dilalkii ay sameeyeen Ciidamada Booliska ee amarkeeda uu lahaa Taliye gaboobe uu qayb ka noqday qorsheyaal la doonayey in lagu khal khal galiyo Magaalada,Kuwaas oo Xariga Taliyaha Ciidamada Boolisku uu maslax u ahaa,sidaasna ay ku fashilantay silsilad dheer,oo lagu doonayey in Kismaayo amnigeeda lagu abuuro khal khal.

Related posts

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay ina amaanka Muqdisho wax badan laga badali doono

Tifaftiraha K24

DAAWO: Xildhibaan Sheegay in uu ka laabtay Mooshin dhawr Maalin ka hor saxiixay

gurey

Itobiya oo Somalia Ciidamadii ka qayb qadan lahaa dagaalka Shabaab.

admin