Somali News

Taliyihii Ciidamada isku dhafka Magaalada Galkacyo oo ugeeriyoodey

Taliyihii Ciidanka isku dhafka ah ee Gaalkacyo Col. Khaliif Nuur Shiil oo xalay kooxo hubeysan ku dhaawaceen Koonfurta Magaaladaas ayaa saaka u geeriyooday dhaawacii soo gaaray sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Col. Khaliif Nuur Shiil ayaa waxaa rasaas ku furay kooxo hubeysan wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaada Taraawiixda oo ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka uu Taliyaha ka ahaa ee Xasilinta Gaalkacyo ayaa ah ciidan isku dhaf ah oo oo ka kala yimid maamulada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo loogu talo galay iney wax ka qabtaan amaanka magaaladaas.

Markii Ciidankaas la wareegeen amaanka magaalada Gaalkacyo ayaa dadka magaalada waxaa ay sheegeen in ay ka nasteen dilalkii qabiilka iyo dagaalladii magaalada ku dhex mari jiray maleeshiyaadka ka soo kala jeeda Maamullada Puntland iyo Galmudug.

Related posts

TOP NEWS: Xafiiska QM ee Soomaliya iyo Imaaraadka carabta oo ku heshiiyay in ay iska kaashadaan Horumarinta Dalka Soomaliya

admin

DEG DEG: Diyaaraddii waday abu mansuur oo hadda kaso dagtay garoonka aadan cadde

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Top News nabadoon Axmed Diiriye " Madaxweynaha Amarkisa Shaqaynaya Shirka maamul u Samaynta isaga Hogaaminaya "

admin