Somali News Top News

Soomaliland oo diiday in Laascaanood ay ka dagto Diyaarad Sida Deeq Daawo ah

Maamulka Somaliland ayaa la sheegay in ay diiday diyaarad deeq daawo ah u siday Laascaanood oo ay soo dirtay dowladda Federaalka somalia waxaana maamulka dagmada laascaanood ay diyaaradda u diideen in ay caga dhigato garoonka diyaaraddaha Laascaanood.

 

Daawooynka ayaa loogu tala galay dadkii ku dhaawacmay dagaal beeleedka ka socda deegaanno ka tirsan Gobolka Sool waxaa sidoo kale diyaaradda ay qaadi laheyd dhaawacyada culus qaarkood.

 

Inta la xaqiijiyay dagaal beeleedka waxaa ku dhintay dad ka badan 50 ruux halka dhaawaca uu ka badanyahay 80 ruux.

Dhaawacyada ayaa la gaarsiiyay cisbitaalada magaalada laas caanood iyadoo xaaladdooda caafimaad halkaas lagu dabiibaayo

Dhaawacyada qaarkood ayaa la geeyay cibitaalka wuqooyga magaalada Galkacyo ee Maamulka Puntland halkasi oo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibaayo.

Dagaal beeleedka oo socda inkabadan 48 saacadood oo xiriir ah ayaa waxaa laga baqdin qabaa in qasaaraha dagaalka uu sii bato maadama aysan jirin cid ilaa iyo hadda kala dhex gashay laba beelood.

Gudiga Dhexdhexaadinta Beelaha dagaalamaya ayaa ku eedeeyay Maamulka soomaliland hurinta colaadda iyo in ay ciidankii labada beelood ku kala dhex jiray ay soomaliland ka sartay doraad galab shalayna uu dagaalka qarxay.

Gudigan ayaa Waxaey baaq u direen Dawlada Federaalka ee Somalia oo uu hogaaminayo madaxwayne Farmnaajo iyo Ra’iiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ., Waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen Maamulada kale ee Somalia sida Puntland in ay hawshaa daminteeda ka qayb qaataan .

Related posts

Top News:- Ahlusunna oo shirweyne lagu soo xulaya Barlaman ku qabanaysa Dhusamareeb.

admin

Shaqaalaha Kaawooyinka Dhagaxa ee Mandera oo lagu amray inay shaqada joojiyaan cabsi laga qabo Alshabaab.

admin

War Cusub: Akhriso Tirakoobka Rasmiga ah ay Dowlada Talyaaniga ka soo saartay Tirada Soomalida ah ee Tahriibayasha ah oo Talyaaniga……

Tifaftiraha K24