Somali News

Soomaalida Ku Nool Dalka Sudaan Oo Cabsi lasoo daristay.

Xili ay Xaalad aad u qalafsan wali ka taagan tahay Dalka Suudaan oo uu afganbi ka dhacay, ayaa waxaa jira walwal ay Soomaalida dalkaasi kunool ka qabaan in ay saamayso rabshadaha iyo banaanbaxyada ay dhigayaan kumaam kamid ah dadka Wadankasi

Cabaas Maxamed Cumar oo kamid ah Soomaalida kunool Dalkaasi ayaa Shabelle u sheegay in ay cabsi xogan ka qabaan Xaalada ka taagan dalka Suudaan.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in Safaarada Soomaaliya ee dalkaasi iyo shacabka ay ka dhaxayso wadashaqayn balse aan la saadalin karin sida ay noqonkarto arintan suudaan.

Shacabka Banaanbaxaya oo wali aan ku qanacsanayn haraadiga ka danbeeya Xulufada Cumar Xassan Albashiir oo xukunka laga riday, ayaa ku qaylinaya ereyo ay uga soo horjeedaan Xubnihii la shaqayn jiray madaxweynaha xabsiga ku jira waxaa ayna dalbanayaan in la helo Wajiyo Cusub oo u Horseeda Suudaan Isbadal Siyaasadeed oo Cusub.

Related posts

Sheekh Nuur Baaruud “Al-Shabaab in ay shacabka xasuuqaan waa caadadooda”

admin

Dhageyso: Askarigii Somaliga ahaa ee Gabadha Cadaanka ah Toogtay oo damaanad lagu siidaayay.

gurey

Sawirro: Ra’isul wasaare ku xigeen mahdi guulled oo ka qeyb galay xuska maalinta dhalinyarada adduunka

Tifaftiraha K24