Somali News

Somaliya oo Raado ugu jirta badelka Ciidamada Amisom.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku raadineyso ciidamo bedala kuwa nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, kuwaas oo qorshuhu yahay inay dalka isaga baxaan sanadka 2021-ka.

Wargeyska The East African ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan la dagaalama Al-Shabaab marka ay baxaan AMISOM ay ka raadineyso Turkiga iyo Eritrea.

Sidoo kale wargeyska ayaa shaaciyey in haatan dowladdu ay wadahadallo kula jirto labadaasi dal, si ay uga hesho taageero ciidan.

Lama oga sida uu ku dhaqan gelin doono qorshahan, maadaama dalalka Turkiga Eritrea, haddii ay ciidamo soo dirayaan gudaha Soomaaliya ay ansixin uga baahan yiihiin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Wasiir Bayle” Fowdada ganacsatada waxa ay sababeen in aysan soo xaroon daqli badan”

admin

DAAWO: Salaadiinta iyo Waxgaradka Gobalka Sanaag oo gaashaanka u daruuray Caleemo saarkii Muuse Biixi.

gurey

Top News Maxaa Kasocda Saaka Magaalada Kismaayo

Tifaftiraha K24