English News Somali News Top News Xulashada K24

Siyaasi Abdiweli Garyare oo maanso tiriyey kadib doorashadii Farmaajo. SABAB?

Siyaasiga Abdiweli Ibrahim Garyare oo ka mid ah xisbiga Daljir ee Madaxweynaha Soomaaliya ku caawinay inuu doorashadii dhacday dhawaan kusoo baxo ayaa waxaa uu xalay Hal-abuuray maanso si weyn  usoo jiidatay suugaan dhaadhiga Soomaalida iyo shacabkaba.

Waxaana  maansadan oo weydiimo u badan qofkasta dareensiineysa waxa inaga qaldan iyo waxa loo baahan yahay in dadkeena ku dhaqaaqaan,si loo helo dowlad taammaan ah oo fulisa wixii loo doortay.

Abdiweli Garyare waxaa uu horey u tiriyey gabayo iyo maansooyin dhaxal reeb noqday, kuwaasi oo uu dhammaan uga hadlayey isbadelka loo baahnaa iyo dowladnimada. Waxaana ugu danbeysay labadii maanso ee uu kula dardaarmay xildhibaanada wax dooranayey, si aysan hoggaan qaldan u dooran. Waana labadii maanso ee kala ahaa ( Balan-baabi iyo Xamareey war iga hoo).

 

Haddaba maansadiisii xalay ee cusbeydna waa tan ee daalacasho wacan:

Hadmaynu dadyow xor noqon
Dellega iska beerta oo
Dagaalada aan jecleyn?
Hadmuu damaceeno noqon
Dowladnimo tamaan ahiyo
Deris iyo walaalnimo?
Hadmaa dib u socodkiyo
Dayowga laga bixiyo
Dunida aan hiigsanaa?
Hadmaa dilka ehelkiyo
Duqeyntoo laga gudbiyo
Dawada aan wada helnaa?

Hadmaynu ku dalxiisinoo
Dalkeena hamsami u baran
Allaa deeq uga helnee

Hadmaa kala diristiyo
Khiyaanada deriskiyo
Dacartiyo cadaawaha
Diidnay bulshada oran?

Dalkeenoo dib u dhisniyo
Hadmeynu danteena garan
Diiftaba ha inaga hadhee?

Niyadda yaa doojinoo
Nabada deyrkeeda noqon
Waryaa dildilaaciyo
Dalowga inaga qabtoo
Ducada aan ku hoobinaa?

Liitaha goortuu damshido
Halkaan iska damin laheyn
Nin doorkeenaa ku dhaca
Haddana uma diir naxnoo
Sheedaa kaba daawanaa!!

Hadmaynu diidnay oran
Shacabkoo duloobiyo
Ciidankoo duruuf iyo
Diiftu ay la jaal tahay
Dal-jirihii la doortayna
Hantideena daabulan?

Hadmaan diiwaanka gelin
Ummaddii dulqaadkiyo
Dareenkoodu wacnayoo
Dib u hanta kalsoonida?

Daa’imow allahayow
Duulkaan dayeysani
Dowgii lagu hagaagiyo
Dowladoo na deeqdiyo
Danahooda fahansii

Curiye; Abdiweli Ibrahim Garyare
Muqdisho, Somalia
18-02-2017

Related posts

XASAASI: Madaxweyne Gaas-ka Puntland Oo Arin Muhiim Ah Daaha Ka Qaadey (Tolow Maxay Tahay???)

Tifaftiraha K24

DEGDEG: Askar ka tirsan kuwa Xukuumada Somaliya oo lagu dilay.

admin

Shabaab oo wiil & Aabihiis afduubtay iyo Sababta oo la Ogaaday