Somali News

Sirdoonka Maamulka Jubbaland oo gacanta ku dhigay xubno katirsan.

Taliska hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka dowlad Goboleedka Jubbaland ee NISA ayaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigay rag badan oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Al-shabaab.

Qoraal kasoo baxay NISA Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Ragga oo gaaraya ilaa iyo 8 Nin ay kasoo goosteen Al-shabaab, isla markaana ay isku soo dhiibeen Ciidanka maamulka Jubbaland.

Sidoo kale qoraalka hay’adda nabadsugida iyo sirdoonka Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in 8-da Nin baaritaano dheer lagu sameeyay, iyagoona markii dambe la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada kasoo goosatay Al-shabaab.

“Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigtay 8 nin oo kamid ahaa Al-Shabaab kuwaas oo isku soo dhiibay Dowlad-goboleedka Jubbaland, waxaa baaris dheer kaddib la geeyay xarunta lagu dhaqan celiyo dhalinyarada” ayaa lagu yiri Warka baxay NISA jubbaland.

Related posts

Ra’isul wasaare kheyre oo Dhawaan ku wajahan Wadan ka mid ah Qaaradda Yurub Muxuuse ka doonaya?

admin

admin

War Hada: Maxaad ka Ogtahay Waxa Maanta Soomaliya ay ka jeedineyso Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay?? War ayaan Idin kaga heynaa

Tifaftiraha K24