Somali News

SIR CULUS: Nin Caan Ka Ah Muqdisho Oo Lagu Badeli Rabo Sida La Sheegay Gudoomiye Yariisoow

Sida Badweyn ay ku Heshay Xog Culus Waxaa socda Isbadel lagu sameenayo Hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir taas oo dhowr mar fashil ku yimid in xilka qaadis iyo Xil magacaabis ay dhacdo.

Labo Nin Midkood ayaa laga yaabaa in xilka uu ka badelo C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) kuwaas oo aad loo hadal hayo.

Cabdi Jiinoow Calasoow Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Shabellaha Dhexe,ayaa laga yaabaa inuu Xilkaas Qabto,inkastoo la leeyahay waa uu diiday qabashada Hogaanka Gobolka Banaadir.

Sidoo Kale Axmed Xasan Cadoow (Daaci) Gudoomiyihii Hore Ee Degmada Wadajir oo ay isku heyb yihiin Eng,Yariisoow ayaa loo badinayaa in Xilka uu ku badelo.

R/wasaare Xasan Kheyre ayaa door bidaya in Shaqooyin kale loo weeciyo Eng,Yariisoow oo Laga qaado Maamulka Gobolka Banaadir.

Warar ayaa sheegaya in Yariisoow uu Lunsaday Dhaqaale badan oo loogu talo galay Hormarinta Maamulka Gobolka Banaadir sidaa awgeedna laga dadbayo Xeer ilaalinta iyo Hay’adaha Garsoorka si aysan ugu soo oogin xatooyo xoolo dadweyne.

Axmed Daaci ayaa ah Oday Nabadeed waayahaan taageero umuujiyey Dawlada Dhexe xilli uu aad u mucaaradayey Dawladii Madaxweyne Farmaajo.

Related posts

Wafdigii manta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho oo garbaharey nabad tagay iyo so dhaweyn balaaran oo lo sameeyay..

admin

Dhageyso: Maxaadan ogeyn oo ka cusub dagmada ceelbuur xili ciidanka itoobiya ay ……

Tifaftiraha K24

DAAWO: Ciidamo ka goostay Somaliland oo ku biiray Jabhada Jeneral Caarre.

admin