Arimaha Bulshada Breaking News Somali News Top News

Shirkadihii batroolka ka baarayay dalka Kenya oo u soo wareegaya Soomaaliya.

Inta badan shirkadaha ay heshiiska la gashay dowlada Kenya ayaa iska baxay ka dib markii ay uu hoos u dhac ku yimid saamiga ay shirkadahaasi ka heli karaan dowlada Kenya, ka bixida ayaa sidoo kale aanan soo jiidanin dareenka dad badan oo Kenyaan ah, laakiin waxa ay ka hadashay qiyaasaha iyo niyada jabka sii kordhaya ee qayb ka mid  ganacsatada caalamiga ah ay ku hayaan saliidda iyo gaaska Kenya.

Warbixin sanadle ah ee bishii la soo dhaafay soo baxday ayaa lagu sheegay in shirkadaha  UK ay u sheegeen saamileeyda ka bixitaanka Kenya sababtoo ah dhaqdhaqaaq yadooda  hooseeya marka loo eego howla saliida dalka kenya.

 

Shirkadaha kale waxaa ka mid ah Africa Oil oo ka mid ah ganacsatada muhiimka ah ee mashruuca wax soorka saliidda Lokichar.

Shirkadda ayaa sheegtay in ay ka tanaasulayso mid ka mid ah qodobada loo oggolaaday inay sahamiso shidaalka.

Shirkaddu waxay leedahay 25% saamiga saliidda Lokichar ee loo qorsheeyay in ay soo saarto saliida marka la gaaro sanadka 2022.

2018kii  shirkadda waxay u gudbisay qoraal dawalada Kenya in  $ 44.7 milyan oo ku dhiganta (Sh4.5 bilyan oo shilinka Kenya ah) oo ah khasaarihii hore sahaminta, “ayaa lagu yiri warbixinta sanadlaha ah ee Africa Oil ee la daabacay bishii hore.

Shirkadda Royal Dutch Shell ayaa xirtay xafiiskeeda Kenya,Shell ayaa ku biiray shirkadda Uk BG Group ee BG oo horey u xiray xaafiisyadoodii.

Shirkadda ayaa ku wargelisay saamileyda in ay joojiyaan howlgalladeeda Kenya Hawlgalladu ayaa waxaa ka qayb ahaa hoos u dhac ku yimid oo aan la fahmin inta sanadka oo dhan la qabtay.

 

Shirkadaha u haysta ruqsadda in shidaal laga baaro  Lamu ayaa sheegay in howlgalladoodu ay wax u dhimeen gobalka ku dhow xudduudda Soomaaliya oo xasillooneyn.

Shirkadaha inta badan waxaa la sheegayaa in ay ku soo wajahan yihiin dalka soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa ay la timid furfurnaan dhinaca shaqada beeca suuqayada saamiyada shidaalka, waxaana aad loo hadal hayaa in dowlada soomaaliya la timid hufnaan dhinaca suuq geynta ah.

Wargays ka soo dalka UK oo lagu magacaabo Petroleum Economist ayaa asna daabacay bishii la soo dhaafay in ay soomaaliya marayso heer ay noqotay wadanka Africa ee ugu furfuran marka loo eego kheyraadka dabiiciga ah ee uu ka mid yahay shidaalka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku muransan biyaha dhinaca bada oo ay Kenya sheegtay qaybo ka mid ah badda soomaaliya,taasi oo ay dowlada soomaaliya maxkamada cadaalada horgeysey dacwad ka dhan ah dowlada Kenya.

hoos links Xigasho:

https://www.standardmedia.co.ke/business/article/2001319842/oil-and-gas-companies-exit-kenya-casting-doubt-on-commercial-viability

 

https://www.petroleum-economist.com/articles/politics-economics/africa/2019/somalia-s-first-licensing-round-could-be-a-tough-sell

Related posts

SAWIRRO:- Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Guddiga Mideynta Galmudug iyo Ahlu-sunna oo shir uga Socdo dhuusamareeb

Ahmed sudani

Deg Deg, Culumo caan ka ah Galgaduud oo xabsiga Dhuusamareeb hada lagu xirxiray

admin

Askari ka tirsan Ciidamada Nabad Sugidda oo Xalay lagu Dilay Dagmada Afgooye

admin