Somali News Top News Xulashada K24

Sheekh Shaakir oo ka hadlay shirka galmudug iyo Ahlu-sunna ee ka furmaya Dhuusmareeb

Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo munaasabad ballaaran oo lagu soo geba gebeynayo dhameystirka heshiisyadii ay gaareen Galmudug iyo madaxda Ahlusuna Waljamaaca, kuwaasi oo lagu midaynayo labada dhinac.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda shirkan ayaa ka socota magaalada Dhuusa-mareeb, waxaana shirkan ka qeyb galaya madaxda Dowladda Soomaaliya, dhinacyadii heshiisku dhexmaray ee Galmudug iyo Ahlusuna, Beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo amnigu ay adkeynayaan ciidamo aad u fara badan, maadaama magaaladu ay marigelinayso shirweyne ballaaran oo lagu dhameystirayo dib u heshiisiinta.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa ugu baaqey shacabka in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta heshiisyadaasi iyo marti gelinta shirka, isagoo dhanka kale kulan soo dhaweyn ah u sameeyey Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey oo ku sugan halkaasi.

Related posts

Dhageyso: Xog Culus iyo Kashifaad : Xildhibaan Cabdi Barre” Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Koox uu Wato ayaa Boob ku Haaya Dhulalka Muqdisho ku yaala

admin

XOG MUHIIM AH: Xasan Daahir Aweys oo Magangalyo ka helay dowlad Carab ah iyo DF oo hal arin ugu dhagan……….(Tolow Maxay Tahay??)

Tifaftiraha K24

XOG: Madaxweyne Gaas oo Isku Shaandheyn ku Sameyay Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland

admin