Somali News

Shabaab soo goostay oo ciidanka dowladda isku soo dhiibay

Malleeshiyaad ka soo goostay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ayaa  isku soo dhiibay  ciidamada XDS ee ka howlgala deeganada gobolka Gedo..

Saraakiil ka tirsan ciidamada XDS ayaa laba nin oo ka soo goosatay Shabaab ku soo dhoweeyay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaas oo la sheegay in ay xiriir la soo sameeyeen ciidamada ka hor inta aysan ka soo goosan  kooxda.

Labadan nin ee lagu soo dhoweeyay Degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in sanado badan ay ka tirsanaayeen Al Shabaab ayna haddda go’aansadeen in ay ka soo baxaan kooxdaasi, waxa ayna sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen intii ay ka mid ahaayeen kooxda Al Shabaab.

Arrimahan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada XDS ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda iyo iyagoo yaqiinsaday in mas’uuliyiinta dowladdu ay soo dhaweynayan dhallinyarada ka soo tagta Shabaab.

Related posts

XOG Culus: Dowladda Federaalka oo Fashilisay Qorshihii Imaaraatka Carabta la damacsanaay Soomaaliya

admin

Al-Shabaab oo ka jawabay hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha Burundi.

admin

Daawo: Roobabkii guga oo ka curtay ka curtay deegaano ka tirsan soomaliland iyo puntland

Tifaftiraha K24