Somali News

Shabaab oo sheegay inay heshiis la galeen 40 Oday Dhaqameed Soomaaliyeed (Sawirro)

Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay inay heshiis la galeen 40 oday dhaqameed Soomaaliyeed oo matalaya beelaha kala duwan ee Soomaalida, kadib kulan ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Qoraal lagu baahiyay baraha Al Shabaab ayaa lagu sheegay in odayaasha muddooyinkii u dambeeyay ay siminaar kaga qeyb galayeen goob aan la sheegin oo ku taala Shabeelaha Hoose.

Waxaa sidoo kale la sheegay in odayaasha lagala heshiiyay inay Al Shabaab kagala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ciidamada ajaaniibta ee ku sugan Soomaaliya iyo dowladda Soomaaliya.

Sheikh Xuseen Cali Fiidow oo ka wakiil ahaa hogaamiyaha Al Shabaab Abuu Cubeyda ayaa la sheegay in odayaasha oo gaaraya 40 oday dhaqameed uu heshiis la galay, kadib munaasabad ka dhacday Shabeelaha Hoose.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo dhankooda munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inay Al Shabaab ka taageeri doonaan dagaalka ka dhanka ah dowladda iyo ciidamada ajaaniibta.

Related posts

XOG CUSUB: Dhageyso: Yusuf Kaanti oo war farxad leh ka sheegay xabad-joojinta Baledxaawo iyo meelaha ay ciidanka kala joogaan hadda. Wareysi K24

admin

Maraykanka oo soo saaray Shuruuc uu kuweyn karo Madaxweyne Farmaajo Dhalashada Maraykanka.

admin

DEG DEG+Sawirro: Shirka Hoggaamiyeyaasha Maamul goboleedyada oo Goordhaw ka furmay Baydhabo

admin