Somali News

SAWIRRO:Munaasabadda daahfurka Madasha xisbiyada Qaran oo muqdisho kasocota.

Waxaa xilligan magaalada Muqdisho ka socda Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran, kaddib markii dhowaan Madasha ku dhawaaqday inay yeelatay Hoggaan ay ku mideysan yihiin.

Munaasabadda ayaa ka socota Hoolka Sahal, waxaana ka qeyb galaya munaasabadda Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Waa bandhig kale oo Isbaheysiga Mucaaradka ku muujinayaan cududooda siyaasadeed, iyo madasha ay ku mideysan yihiin, waxaa mar kale la filayaa inay diraan farriin siyaasadeed oo culus.

Muddooyinkii u dambeeyay kulamo ay hormuud ka yihiin Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin waxay magaalada Muqdisho ka wadeen olole siyaasadeed xoog leh.

     

Related posts

Howlgal lagu soo qabtay Hub iyo Waxyaabaha Maanka Dooriya (SAWIRRO)

Sakariye Sakariye

Daawo Gudomiye Jawaari oo si weyn logu so dhaweyay Dhusamareb

admin

DEG DEG: Puntland oo ku Hanjabtay in ay Joojineyso Doorashada Aqalka Hoose ee Garoowe ka socda Maxayse tahay Sababta????

Tifaftiraha K24