Somali News

Sawirro: Shir u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleed-yada oo ka furmay magaalada garoowe

Wajiga labaad Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah maamulka Gobalka Banaadir iyo warbaahinta Madaxabanaan ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedlka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/xakiin Xaaji Camay ayaa si rasmi ah u furay shirkaan oo socon doona mudo Afar maalin ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa madaxda ka socota wasaaradaha Warfaafin dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada kula dardaarmay isku duubni iyo in la sameeyo wacyigalin iyo tababar joogta ah oo ay helaan dhallinyarada Suxufiyiinta.

Shirkaan ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadli doonaa iskaashiga iyo horumarinta warbaahinta dalka, sida uu sheegay sii haayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis.

Related posts

Daawo Magaalada Muqdisho oo laga furay Xafiska Howlgalka Ciidamada Wadajirka ah..

admin

Daawo Wadanka Cumaan oo sanadkaan si weyn loga xusay 1da Luuliyo

admin

Kooxo Hubeysan oo Muqdisho ku dishay Madaxii Shirkadda Startup Grind

admin