Arimaha Bulshada Breaking News English News Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo Maqaalo iyo Warar Somali News Top News Xulashada K24 XULASHADA TODOBAADKA

SAWIRRO: Reer Cabudwaaq oo dibad bax ku taageeray go’aanka Madaxweyne Xaaf ee Khaliijka

 

Dibax ballaaran oo maanta ka dhacay magaalada Cabudwaaq ee ka tirsan maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu taageerayey Madaxweyne Ahmed Ducaale Geelle “ Xaaf” oo dhawaan go’aan uu soo saaray muran badan uu ka dhashay.

Dadweynaha Cabudwaaq ayaa sheegay inuu Madaxweyne Xaaf yahay mas’uulka ugu sareeya siyaasada Galmudug, isagana uu yahay shaqsiga mudan in looga danbeeyo go’aanada uu ka qaatay arrimaha Khaliijka.

“ Dadku madax ayey leeyihiin, waxaana madax u ah Madaxweyne Xaaf,haddii uu isaga go’aan masiiri ah inoo gaaray waa in lagu raacaa, ee ma ahan in dowlada dhexe ku kicisaa kuwii isaga ka hooseeyey” ayuu yiri siyaasi Cali Ceelbuur oo ka mid ahaa dadkii la hadlay dibadbaxayaasha.

Dhinaca kale, dowlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay wado faragelin ka dhan ah maamulada taageeray xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyaddoo dowlada si cad go’aankeeda dhexdhexaadnimada uu u yahay mid taageero u ah Qatar.

“ Reer Cabudwaaq oo aan kala harin ayaan codkooda ku sheegayaa in Madaxweyne Xaaf garabkiisa aan nahay, oo ku raacsanahay go’aankiisa, wixii hoggaankiisa qalqalgelinayana meel ayaan uga soo wada jeesaneynaa” ayey tiri Khadra Warsame Ashkir.

Baabuur lagu wada dhejiyey sawirada Madaxweyne Xaaf oo lagu rakibay sameecado laga maqlayo buraanbur lagu ammaanayo Madaxweyne Xaaf iyo isbaheysiga Sacuudiga ayaa magaalada ay la dhexmareen dibadbaxaayasha Cabudwaaq. Waxaana Buraanburkaasi tirineysa Maymuun Abdiqaadir.

Tan iyo markii uu soo baxay khilaafka ka dhashay go’aanka Madaxweyne Xaaf we Khaliijka ayaa waxaa dibadbaxyo kala duwan oo lagu taageerayo ka dhaceen magaalooyinka Galkacyo, Cadaado iyo Cabudwaaq. Waxaana wali socda xiisado siyaasadeed oo ka dhex socda magaalada Cadaado.

Wariye: Mahad Xasan Diini,

Radio VOS, Caabudwaaq,

 

 

Related posts

DAAWO: Cabdiwaxid Goonjeex oo daboolka ka qaaday wax ka daahsaan Soomaalida. Maxayse tahay ?

admin

TOP NEWS: Dhageyso Qaramada Midoobe oo Shaacisay in ay Xalin doonto Cid kasto tabasho qabta oo ka hortimaada go’aanka Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku Ansixiyay Hanaanka Doorashada 2016-ka

Tifaftiraha K24

Dhageeyso:-Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay Dileen Saraakiil Ka Tirsan Al-shabab

admin