Somali News

Sawirro: Ra’isul wasaare kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanada soomaaliyeed ee Hiba Nuura

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Fanaanadda Soomaaliyeed ee  Hibo Maxamed Cudoon Hibo nuura  oo dhowaan dalka dib-ugu-soo laabatay.

R/wasaare Kheyre, ayaa sheegay in ay dhiiri gelinayaan Fanaaniinta iyo Abwaanada Soomaaliyeed, isaggoo ku tilmaamay in ay yihiin hal doorka Qaranka.

“Hibo Maxamed (Hibo Nuura) iyo dhammaan Hoobaladii Qarankeena, waa halyeeyo mudan in looga mahed celiyo howlihii ay dalka u qabteen,  Waxaana ku faraxsanahay in ay maanta xafiiska ay igu soo booqato” ayuu yiri R/wasaaraha Soomaaliya

Fanaanada Soomaaliyeed ee Hibo nuura,  ayaa uga mahad celisay soo dhoweynta iyo marti qaadka ay ka heshay Xukuumadda Soomaaliya, iyaddoo xustay in ay ka qeyb qaadan doonto Wacyi gelinta Bulshadda Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo ka bilaabay Shabeelaha Dhexe

Ahmed sudani

XOG: Xagee lagu qoray warqaddihii digniinta ahaa diyaaraddaha dagaalka ay ku daadiyeen jubbooyinka?

Tifaftiraha K24

DAAWO VIDEO – Guddoomiya Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo ka hadley wadahadalada Somalia iyo Somaliland

admin