Somali News

SAWIRRO: Qaar kamid ah dhaawacyadii Ex kontorol Afgooye oo looqaaday dalka ka mid ah .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubna ka tirsan guddiga gurmadka qaran ee dhawaan loo magacaabay isku dubba ridka howlaga gurmadka, ayaa maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabulle ku soo dhoweeyay diyaarad dowladda Qatar, ay u soo dirtay qaadidda qaar kamid ah dhaawacyadii ku wax yeelloobay weerarkii argagaxiso ee Ex-Kaantarool Afgooye.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siineyso bed-qabka iyo daryeelka mawaadiniinteeda, ayna ku dadaaleyso in bukaannadu ay helaan baxnaaninta ay u baahanyihiin.

Diyaaradda Qatar ay soo dirtay maanta oo dowladda soo gaarsiiyay dawo ay qayb ka ah gurmadka, ayaa qaaday 22 mawaadin oo ku dhaawacmay weerarka argagaxiso, si xaaladooda caafimaad wax looga qabto.

Shalay ayaa dowladda Turkigu waxa ay sidaan oo kale dalkeeda u qaaday mawaadiniin Soomaaliyeed oo qayb ka ahaa dhaawacyadii ka dhashay weerarka Argagaxiso ee Isgoyska Ex-Kaantarool Afgooye.

Related posts

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow "Doorashada Kismaayo shaqo kuma lihin, Ahmed Madoobe-na kalsoonida ayaan kala noqonayaa"

admin

Soomaali tiro ahaan 60-dan ruux gaareysa oo Masar ku xirxiran.

admin

Daawo+dhageyso : Ex Xildhibaan bad baado ka hor Inta uusan Is qarxin waxa uu sheegay in Beeshiisa ay ….

Tifaftiraha K24