Somali News

Sawirro: Maxay tahay sababta markasto Ra’isul wasaare kheyre u kormeero Wasaaradda Maaliyadda?

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta booqday Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Wasiirka, Wasiir ku xiggeenka, Wasiir dowlaha iyo Masuulinta kale ee Wasaradaasi.

Ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ugu hambalyeeye guusha ay ka gaareen Wada hadalladii hay’adda lacagta aduunka ee IMF, barnaamijka taxana ah ee isbadalka iyo dowlad wanaagga lagu hirgalinayo ee SMP,  kaas oo Mustaqbalka Soomaaliya u horseedaya in laga cafiyo daymaha dibadda dibna loo maal gashado.

Madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ayaa ku qancay qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dowladda Soomaaliya , iyadoona Madaxdii Wasaaradda Maaliyadda  ku ammaanay sida dardarta ah ee ay xoogga u saaraan in Soomaaliya dhaqaalaheeda uu kordho.

Related posts

Daawo: Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo sagootiyay guddiga xuduudaha…..

Tifaftiraha K24

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Maanta ka dhacay Madaxtooyada Muqdisho +Sawirro

Tifaftiraha K24

Madaxweyne farmaajo oo ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid allaha ha u naxariistee marxuum….

Tifaftiraha K24