Somali News Top News Xulashada K24

SAWIRRO:- Madaxweyne Farmaajo oo si rasmi ah u furay Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa goor dhow magaalada Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galaan Madaxda ugu sareysa dalka, Maamul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambeyn shirka furay maanta duhurkii, waxaana shirkaan ka hor baydhabo ka socday kulamo ay yeelanayeen Guddiyada farsamo ee shirka iyo Madaxda.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, federaaleynta, isku dhafka iyo tayeynta dastuurka iyo qodobo kale.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin Madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Arrinta sida gaarka isha loogu haayo ayaa ah madaxda ka qeyb galeysa shirka oo xilligan xurguf siyaasadeed u dhaxeyso, gaar ahaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada oo dhowaan eedeymo u jeediyay dowladda Federaalka.

Related posts

XOG: Maxaadan ogeyn oo ka cusub magacaabista golaha wasiiradda iyo wararkii ugu dambeeyay ee madaxtooyada villa soomalia

Tifaftiraha K24

Dhagayo+Sawiro:- Madaxweyne ku Xigeenka Puntland oo Booqday Xarunta Wasaarada Waxbarashadda ee Puntland

admin

Kismaayo: Axmed Madoobe oo boqolaal shacab ah la tukaday salaada Ciida

admin