Somali News

SAWIRRO: Madaxweynaha Somaliya Mudane Farmaajo Oo Sagootiyey Dhaawacyo Culus Oo La Qaaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay qaraxii dhalay ka dhacay Isgooyska Ex-Kaantarool.

Madaxweynaha ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaateeyeen argagixisadu oo ay ka burburiyeen guryahooda iyo hantidooda, ayna laayeen ubadkooda iyo waalidiintooda.

      

Related posts

Culimada Soomaaliyeed oo digniin ka soo saaray bandhig faneed ay muqdisho ku qaban rabto Fannaanadda Kiin Jaamac

admin

Daawo Sawirro: Salaad roob doon ah maanta laga tukaday magaalada garoowe iyadoo madaxweyne ku xigeenka puntland uu…..

Tifaftiraha K24

Dowladda Somaliya oo bilowday baaritaanka cudurka Coronavirus

admin