Arimaha Bulshada Breaking News Somali News

SAWIRRO: Madaxweynaha Mustaqbal Koonfur Galbeed Oo La Kulmay Wasiiro iyo Xildhibaano KGS.

Musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Kulan La Qaatay Qaar ka mid golaha Wasiirada dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo waliba xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka.
musharaxa ayaa musuuliyiintaan ka dhagaysatay talooyinka dhismaha iyo horumarinta dowlada goboleedka koonfur galbeed, Waxaana dhamaan masuuliintii ka soo qayb gashay kulankaasi ay isla qireen in cabdicasiis lafta gareen uu yahay musharaxa ugu haboon ee badbaadin kara dowlada goboleedka koonfur galbeed soomaaliya.

 

Laftagareen musharaxa madaxweynaha dowlada goboleedka koonfur galbeed ayaa mahad celin u jeediyay masuuliyiintii kulanka qaybta ka ahayd.

musharaxa ayaa sheegay ajandayaasha siyaasadeed ee lagu meelmarin karo maamul goboleedka koonfur galbeed hadiii uu ku guuleysto madaxnimada maamulkana uu shacabka deegaanadaas u horseedi doono horumar iyo barwaaqo waarta oo laga hirgaliyo dhamaan deegaanada dowlad Goboleedka koonfur galbeed soomaaliya.

Related posts

Faallo: Xildhibaannada labada Aqal waxa ay ka Turjumeen Rabitaanka Shacabka

Tifaftiraha K24

Warbixin: Sanadkaan 2016-ka meeqa Ruux ayaa ku Naf-weyday Biyaha looga talaabo Dalalka Yurub????

Tifaftiraha K24

SAWIRRO:-Guddiga Dastuurka Labada Aqal  ee DFS Oo La Kulmay Wakiilo Ka Socday Qaramada Midoobey

Ahmed sudani