Somali News Top News

Sawirro: Madaxa Xukuumadda iyo Mas’uuliyiinta Galmudug oo Kormeeray Garoonka Diyaaraddaha Dhuusamareeb

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxa Golaha Wasiira Sheikh Maxamed Shaakir ayaa si wada jir ah u kormeeray Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhusamareb, iyadoona Dadka looga digay inay dhistaan Dhulka Garoonka Sharcina laga soo saari doono.

Kormeer ka dib ayaa Masuuliintu si wada jir ah Warbaahinta ula hadleen, Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sh Maxamed Shaakir ayaa waxa uu sheegay in Garoonka laga dhigi doono mid heerkiisu sareeyo maadaama uu ku yaalo Caasimaddii Maamulka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxa uu sheegay in Fadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka la soo saari doono Sharciyada Dhulalka.

Ugu dambayn Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa xusay in Garoonka Ugaas Nuur uu Noqan doono Mid Caalami ah Sanadaha soo socda.

Related posts

Dalka Sweden oo go’an kasoo saartay in Xijaabka ama niqaamka laga Mamnuuco Iskuulada.

admin

Dhagayso: Heerka Biya la'aanta Gobolka Galgaduud oo gaartay in dadka la aaso iyagoon maydkooda la dhaqin

admin

TOP NEWS Dhageyso: Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug oo Arin aan caadi aheyn Darteed Isku Casilay… Tollow Maxay tahay???

Tifaftiraha K24