Arimaha Bulshada Kaydka Wararka Xulka ah Maqaalo iyo Warar Somali News Top News

(Sawirro) Jubaland ayaa ka Digtay jaridda Dhirta iyo Nabaad guurka Deegaanka

Wasaarada Deegaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa siminaar lagu baranaayo wacyigelinta abaabulka bulshada iyo saameeynta deegaanka  Ku yelan karto  soo saarista dhuxusha waxa ay u qabatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deeganada Maamulka Jubbaland .

Tababarkan oo u badnaa wacyagelin iyo aqoon kororsi sida looga hartagi karo nabaad guurka dalka iyo kheyraadka dhirta ayaa waxa kasoo Qeyb galay Wasiirka Wasaarada Deegaanka Jubbaland Qubaro Aqoonyahano ah, haweenka ka ganacsada dhuxusha, Odiyaayaal iyo masuuliyiin kale.

Qaar ka mid ah bulshada qeybta ka ahaa siminaarkani ayaa bogaadiyey waxa ayna goobta ka shaaciyeen inay muhiim tahay in lawada qaato baaqa arintani ku aadan isla markaana la badbaadiyo dalka iyo dadka lagana hortago xaalufinta dhirta deegaanka.

Ugu Danbeyntii madasha siminaarkani uu ka dhacayey waxaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda Deegaanka Maamulka Jubbaland ayaa bulshada ugu baaqay inay ka waantoobaan xaalufinta dhirta isla markaana ay sameeyaan ka hortag balaatan si nabaad guur uusan ugu dhicin deegaanka.

Related posts

Dhageyso+Sawirro: Alshabaab oo Dagmada Jilib kusoo Bandhigay 6 Askari oo ay ku sheegen in Jubbaland ay kasoo Goosteen

Tifaftiraha K24

DegDeg:-Dawlada Soomaaliya Oo Sheegtay inay Wado Baaritaan ku aadan Weerarkii Guriga C/qeybdiid

Ahmed sudani

Top News: Maamulka Jubba oo sabaabtan darteed ku sheegey in ay uga qeyb gali waayeen shirka New Deal ee Muqdisho ka socda.

admin