Somali News

Sawirro: Dowladda Jabuuti oo Maanta Deeq Lacageed ku wareejisay Guddiga Gurmadka Qaran ee Musiibadii Zoobe

Dowladda Jabuuti ayaa Maanta Deeq lacageed ku wareejisay Guddiga gurmadka Qaran taasi oo loogu tala galay dadkii waxyeelada kasoo gaadhay musiibadii qaran ee 14-kii October ka dhacday Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Deeqdaan lacageed oo cadadkeeda ay gaareyso 1 Milyan oo dollar ayaa lagu wareejiyay Guddiga gurmadka qaran.

Waxaa goob joog ka ahaa wareejinta deeqdaasi lacageed Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxaana Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo lacagtaasi ku wareejiyay guddiga gurmadka Qaran uu sheegay in ay tahay lacag ay iska soo uruuriyeen shacabka reer Jabuuti oo ka dambqaday walaalohoodi dhibaataysan.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan uu ku hadlay magaca guddiga ayaa sheegay in ay guddoomeen deeqdaasi lacageed islamarkaana lagu taakulayn doono dadkii musiibadaasi saameysay kana mahadceliyay.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ku hadlayay magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka reer Jabuuti sida walaaltinimada leh oo ay u garab taagan yihiin Soomaaliya.

” Dawladda Jabuuti ee aan walaalaha nahay waxaan uga mahad-celinayaa doorkeeda Soomaaliya iyo lacagta ay ugu deeqeen dadkii Soomaaliyeed ee wax-yeelladu ka soo gaartay Qaraxii Zoobe” ayuu yiri Ra’isul wasaare kheyre.

Related posts

Daawo: Waaxda Gargaarka iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo maanta loo wareejiyey Wasaaradda …..

Tifaftiraha K24

Dhagayso:- Gabar Suxufiyad ah oo ka sheekeesay Qaabka ay uga badbaaday Weerar lagu khaarijin Rabay

admin

War cusub: Maxaadan ogeyn oo ka soo baxay kulan dhexmaray general xaamud iyo saraakiil ka socota talyaaniga?+Sawirro

Tifaftiraha K24