Somali News

Sawirro:- Dayactir ka socda Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo wasiir Sadiiq oo kormeeray

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadik Warfa ayaa  kormeeray dib u dhiska ka socda xarunta wasaaradda, waxaa kalo uu wasiirka kullamo la qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda, agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada kale wuxuu ku ammaanay dardar gelinta howlaha ay qaranka u hayaan iyo sida aysan maalina saameyn ugu yeellan howlaha wasaaradda dib u dhiska ballaaran ee ku socda xarunta wasaaradda.

Wasiir Sadiiq, ayaa shalay ka soo laabtay Washington, halkaas oo uu howlo shaqo u tagay ,Wuxuuna la kulmay muddada uu ku sugnaa Marekanka Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka, halka uu ka qeybgalay kullan heer wasiirro ah oo ka qeybgaleen wafuud ka socotay caalamka.

Related posts

DEGDEG:- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Dhoofay Magalada Muqdisho.

Ahmed sudani

Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Oo Si Kulul U Cambaareeyey Weerarkii Hotel Jaziira.

admin

AMISOM oo ka hadashay dagaal dhawaan ka dhacay deegaanka Jameeco

admin