Somali News

SAWIRRO: Ciidamada Birmadka Maamulka Puntland oo dhoola tus Ciidan soo bandhigay.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Birmadka Madaxtooyada Puntland oo muddo 5 Bilood ah tababar uga socday xerada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee 54-aad.

Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii ay ku guuleysatay Dowladdu sanadka hadda dhammaaday.

Waa qeybtii saddexaad ee Ciidamada Birmadka oo tababar loo soo xiro, Madaxweynaha ayaana dhammaadkii kulanka kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

      

Related posts

War Cusub: Shaqaalihii ka xoogsan jiray dekedda muqdisho oo maanta muujiyay dareen kicinaaya qalbiga madaxweyne farmaajo

Tifaftiraha K24

Dhageyso: Dowlada Soomaliya oo Markii ugu Horeysay ka Hadashay Weerarkii Awdheegle

admin

Madasha wadatashiga Qaranka oo soo saartay warbixin tilmaameysa qaabka doorashada 2016.

admin