Somali News

SAWIRRO: Aargada KM-0 ee Muqdisho oo si qurxoon loo dhisay

Wakaalada horumarinta dhismaha qaranka Soomaaliyeed uu maareeye ka yahay Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa dib u dhis ku sameesay Aargada KM-O ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray dib u dhiska lagu sameeyay aargada KM-0 .

Aaragasa KM-0 ayaa ah halka ay ka bilaabato tirada cabirka laga qaado guud ahaan gobolada dalka iyo degmooyinkiisa, waxaana darbiga aaragadan  lagu qoray qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo inta ay isku jiraan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ku amaanay Wakaalada horumarinta Dhismaha Qaranka dib u dhiska ay ku sameesay Aargadan, waxa uuna tilmaamay in dhismahan la qurxiyay ka qeyb qaadanayo bilicda Muqdisho.

    

Related posts

SAWIRRO:- Guddoomiye Mursal Oo Kormeeray Xarunta Golaha Shacabka Oo Dib U Dhis Ka Socdo.

Ahmed sudani

TOP NEWS: Galmudug oo Shaacisay in Hadii Hormumar la hiigsanaayo ay qasab tahay in Shabaaka laga…

Tifaftiraha K24

Sarkaal ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada oo ku dhintay Qaraxii Caawa ka dhacay Sayidka

admin