Somali News

SAWIRO: Wararkii ugu dambeeya ee Shirka Wadatashiga ee Garowe oo maalinti labaad galay

Shirkan oo aan loo kala kicin tan iyo shalay, ayaa madaxda ka qeyb galeysa waxay kulamo albaabada u xirnaa yeesheen tiro saddex jeer, iyadoo aad looga doodayay qodobo la isku hayo.

Wararka ayaa sheegaya in qodobada si aadka looga doodayo ay ka mid tahay halka ay ku socoto siyaasadda dalka, qeybsiga khe6raadka, dib u eegista Dastuurka iyo arrimo kale.

Qodobada qaar oo ah kuwo lagu kala aragti duwan yahay ayaa laga gaarin wax horumar ah, waxaana weli socota wada tashiyada ay Madaxda ka leeyihiin in xal laga gaaro.

Intii wadatashiyada socdaa waxaa la isku soo hadal qaaday khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland, waxaana Madaxda Maamuladaas ka hadleen faragelin ay sheegeen in dowladda Federaalka ku heyso.

Ilo ku dhow dhow Kulanka ayaa sheegaya in la filayo in ugu dambeyn shirka la soo gabagabeeyo caawa illaa berri, waxaana haddii Madaxda isku fahmaan qodobada qaar laga yaabaa inay soo saaraan war murtiyeed wadajir ah.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Maanta ka dhoofay Garoonka Aadan Cadde Xageese ku wajahanyahay??

admin

Sawirro:- Shirka Cadaado Oo Laga Taageeray Columbus, Ohio.

admin

XOG: Gaas oo beesha caalamka horteeda ku ceebeystey Madaxweyne Hassan Sheekh!

admin