SAWIRO: Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis Muhiim u ah Somaliya.

0

Dowladda Soomaaliya iyo Midawga Yurub ayaa munaasabad uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya o oMuqdisho lagu qabtay waxa ay manta siwadajir ah ugu saxiixeen heshiiska maal-gelinta mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballada dalka oo ay Midawga Yurub ku bixinayso 42 Million oo Yuuro.

Wasiirka Qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS, Amb. Jamal Maxamed Xasan iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliye Mr. Nicolas Berlanga Martinez, ayaa heshiiska siwadajir ah u saxiixay.

Mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballada Soomaaliya ayaa qaybka qaadanaya sare u qaadidda awoodda hay’adaha dhismaha waddooyinka ee heerfederaal iyo heer dowlad gobaleed.

Mashruuca dib u dhiska waddooyinka goballadda Soomaaliya ayaa hadafka laga leeyahay waxa uu yahay in la suurageliyo hannaan dhaqaalaha dalka lagu kobciyo,lana dhiirrigeliyo is-dhex-galka gobalka iyo waddamada deriska.

Dhaqaalaha guud ee deeq bixiyaashu ugu tala galeen mashruuca ayaa ah 59.75 Mliyan Oo Yuuro. Dhaqaalaha ayaa ka kooban 42 Milyan oo ka timid Midawga Yurub,12.31 Milyan oo ka timid sanaduuqa horumarinta Afrika, 3.5 Milyan oo ay bixinayso dowladda Soomaaliya,1.94 Milyan oo ka imaanaysa NEPAD-IPPF. Bangiga horumarinta Afrika iyo wasaaradaha ay qusayso ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa fulinaya mashruuca.