Somali News

SAWIRO: Baarlamaanka Jubbaland Oo Meel Mariyey Xeerka Biyaha Maamulkaasi…..

Mudanayaasha Barlamaanka Jubbaland oo maanta yeeshay Kal Fadhiga 4-aad fadhigisii 67-aad ayaa dood adag ka yeeshay xeerka Biyaha Jubbaland,43 Mudane ayaa soo xaadirtay kalfadhigan,waxaana shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Jubbaland.

Dood dheer ka dib Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ansixiyay Xeerka Biyaha dowlad goboleedka Jubbaland taas oo horey loo soo mariyay Golaha Wasiirada Jubbaland.

Markii uu soo idlaaday Fadhiga Baarlamanka Jubbaland ayaa Waxaa Warbaahinta u sharaxay Gudoomiye ku xigeenka Guddiga Habdhowrka Barlamaanka Jubbaland Axmed Iftiin Maxamed isagoona cadeeyay in si toos ah loo ansixiyay xeerka Biyaha Jubbaland.

Related posts

Warbixin: Geesiga Dhabta ah waa kan Wiilashiisa ku kalsoon xoogga dalka( Socdalka Madaxweyne Farmaajo)

admin

AMISOM maxay ka tiri go,ankii gudiga doorashada Somalia

admin

WARBIXIN: Guddoomiye Taabit, Xilku Waa Meerto Laakiin Niyad Wanaagga iyo Naxariistu ma ahan Meerto.

admin