Somali News

Sarkaal katirsan ciidanka Badda Maamulak Puntlland oo lagu dilay.

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka badda maamulka Puntland  ayaa maanta waxaa lagu dilay Bartamaha magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Dilka sarkaalka ayaa waxaa geystay askari kale oo ka tirsan ciidankiisa, kadib markii ay murmeen  Sarkaalka iyo Askariga.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Mire Jeceel, sida y sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamada Bada puntland ayaa la sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen askarigii dilka u geystay sarkaalkiisa.

Taliska ciidanka Bada Maamulka Puntland ayaa la filayaa in ay faahfaahin ka bixiyaan sida ay wax u dhaceen.

Related posts

TOP NEWS: Maxaadan Ogeyn oo Xasan Shiikh uu ka doonay Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle oo Saldhig u ah Ciidamo Mareykan ah ?????

Tifaftiraha K24

Daawo Sawirada: Ciidamo katirsan Dowlada oo tababar uga socdo Xerada Milatari ee Turkiga dhiseen

admin

Daawo: Kulankii madaxtooyada Villa soomaliya ku dhexmaray madaxweyne farmaajo iyo xoghayaha arimaha dibadda UK maxaase ka soo baxay?

Tifaftiraha K24